Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa la sheegay inuu la shaqeyn doono filim sameeyaha haatan dhanka Tamil amd Kollywood ugu awooda badan waa Director Atlee oo ku caan baxay aflaanta fariin ahaan aadka u tayada wanaagsan weliba Atlee aflaantiisa ugu dambeeyeen Big Hits ayay ahaayeen sida Theri, Mersal haatana waxaa u diyaarsan filimka Bigil oo 25-ka bishan la daawanayo waxaana sedexdan filim u sameeyay Superstar Vijay.

Waxaa la sheegay Director Atlee inuu SRK u sameyn doono filim Action madadaalo dhameestiran leh sidoo kalena King Khan ku xarakeen doono waxaana mashruucan shaaca laga qaadi doonaa 2 bisha November ee nagu soo fool leh waa maalinta SRK u dabaal dagi doono sanad guuradiisa 54-aad.

Waxaa la sheegay in SRK shirkadiisa Red Chillies Entertainment filimkan xiisaha badan maal galineyso sidoo kalena Director Atlee waxaa lagu siin doonaa agaasinka mashruucan 30 Crore ($4.20m) waxaana la qorsheenaa bisha December ee dabyaaqada sanadkan in duubis lagu bilaabi doono filimkan weyn balse aan wada sugno in si rasmi ah aqbaartaan xafiiska King Khan looga xaqiijiyo madaama warbaahinta Hindiya oo kaliya sheekadan siweyn u hadal heyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here