Director Sanjay Leela Bhansali labo sano ka hor wuxuu ku dhawaaqay filimka weyn Inshallah ee Megastar Salman Khan iyo Alia Bhatt hogaamiyaal ka yihiin waana filim fariintiisa jaceyl waaqici ah tahay, balse nasiib daro mashruucan ma hana qaadin wuxuuna noqday filim meel la iska dhigay oo laga rajo beelay.

Balse haatan aqbaar xiiso badan ayaa mashruuca Inshallah ka cusub oo ku aadan in filimkan Director Bhansali dib usoo nooleenayo wuxuuna hogaamiye kaga dhigi doonaa SRK sida shabakada Bollywood Hungama u sheegay filim sameeyahan awooda badan Salman Khan mashruucan ma hogaamin doono wuxuuna haatan wada hadalo meel wanaagsan maraayo kula jiraa SRK oo ay u badan tahay inuu sameynta filimkan weyn aqbali doono.

Alia Bhatt sidoo kale mashruucan qayb ayay ka ahaan doontaa waxaana la qorsheenaa in dhamaadka sanadkan shaqadiisa bilaabato ayadoo bilooyinka nagu soo fool leh Bhansali si rasmi ah ugu dhawaaqi doono dib usoo nooleynta Inshallah oo ah filim ruug cadaagan aad ugu weyn waana sheeko qurux badan oo fariin ahaan sahlan sidoo kalena ka hadleyso jaceylka lamaane waqtiyo kala duwan nolosha wadaagayeen caqabadaha ay la kulmeen iyo guulaha ay wada gaareen.

Sheekada filimka ayaa dalbaneyso in hogaamiyaha 50-sano ka weyn yahay halka atirishada la rabo inay da’deeda labaatanaad bartanka kaga jirto sidaa darteed SRK iyo Alia Bhatt ayay u badan tahay wada sameynta filimkan oo miisaaniyad xoogan la galin doono madaama dalalka Mareekanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo meel kale lagu duubi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here