Inaba caadi ma ahan filimka Ala Vaikunthapurramuloo oo uu hogaamiyaha kayahay Stylish Allu Arjun ganacsiga uu koonfurta India ka sameeyay asigoona gaaray darajada ugu sareyso ee filim gaari karo.

Filimka Ala Vaikunthapurramuloo waxaa Directed ka ah Trivikram Srinivas and produced by Geetha Arts, Haarika & Hassine Creations waxaana Allu Arjun ku wehliyaan Pooja Hegde, Sushanth, Jayaram, Tabu iyo Nivetha Pethuraj.

Filimkaan ayaa waxaa tiyaatarka la saaray 11dii bishii Janaayo wuxuuna gudaha India kasoo xareeyay canshuurta kahor 216.38 crore ayadoona lacagtaas canshuurta kadib noqoneyso 186.4 crore.

Sidoo kale filimkaan ayaa daafaha caalamka kasoo xareeyay 36 crore taasoo ka dhigeyso in isku darka gudaha India iyo daafaha caalamka kasoo xareeyay 252.38 crore canshuurta kahor.

Filimkaan sida weyn loogu amaanay Stylish Allu Arjun isla markaasna awooda koonfur gaar ahaan Telagu kula wareegay ayaa waxaa lagu qarash gareeyay 120 crore qiyaas ahaan wuxuuna darajo ahaan Box Officeka ka gaaray All Time Blockbuster.

Waa guul usoo hoyatay jilaaga Allu Arjun waliba in filimkiisa Box Officeka kaga awood badiyay filimka Suldaan mahesh Babu misna All Time Blockbuster noqdo waa guul weyn oo uu gaaray Stylish Allu Arjun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here