Suldaanka awooda badan ee fanka Telugu siweyn kaga dhex muuqdo Mahesh Babu ayaa taageerayaashiisa farxad galiyay kadib markii si rasmi ah uu shaaca kaga qaaday filimkiisa 27-aad ee uu hogaamiye ka yahay magaca loo bixiyay, xiliga la duubayo ama shaqadiisa bilaaban doonto iyo macluumaad kale.

Mahesh Babu filimkiisa xiga waxaa Director ka ah Parasuram ninkii sameeyay filimkii Geetha Govindam waxaana Mahesh filimkiisa cusub loo bixiyay Sarkaru Vaari Paata (SVP) waxaana mashruucan weyn isla maal galinayaan shirkadaha Mythri Movie Makers, GMB Entertainment iyo 14 Reels Plus waana filim miisaaniyad culus xambaarsan.

Filimka Sarkaru Vaari Paata waxaa atirisho kowaad looga dhigay Kiara Advani oo horey Mahesh ula sameesay filimkii Bharat Ane Nenu sidoo kale Lavanya Tripathi ayaa doorka atirishada labaad jileyso halka Upnedra filimkan laadar awood badan ka noqon doono. Waxaana xusid mudan in Mahesh ka mid yahay soo saarayaasha mashruucan ama wax ka maal galinayo.

Sidoo kale kooxda filimkan waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in duubistiisa bilaaban doonto 5 Sep 2020 waxaana lagu kalsoon yahay ama qorshaha yahay xagaaga dambe 2021 in filimkan weyn la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here