Qofna ma hilmaami doono Supertar Vijay sanadii 2012 sida uu Koonfur Hindiya ugu qabsaday filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Thuppakki ee AR Murugadoss Director ka ahaa kadibna asigoo Hindi ah waxaa sameeyay Superstar Akshay Kumar sanadii 2014 waxaana loo bixiyay magaca Holiday.

Haatan waxaa la ogaaday in Superstar Vijay marka filimkiisa Master la daawado kadib uu ka hawl gali doono filimka Thuppakki qaybtiisa labaad waxaana laga sii amba qaadi doonaa halka qaybtii kowaad kusoo idlaatay madaama Vijay door militari awood badan xeeladiisana cajiib tahay ku matalaayay filimkan Classic ah.

Waxaa la sheegay in Director AR Murugadoss diyaariyay Thuppakki 2 sheekadiisa kana faa’iideestay inta bandowga Hindiya ku jirto oo uu la wadaagay saaxiibkiis Vijay qaabka uu sheekada qaybta labaad filimkan u dhigay waxaana la sheegay in Vijay uu ka helay sidoo kalena balan qaaday inuu mashruucan ka shaqo gali doono marka xaalada caadi kusoo laabato.

Director AR Murugadoss filimkiisii ugu dambeeyay Darbar waxaa hogaamiye ka ahaa Rajinikanth halka Suniel Shetty laadar ka ahaa waxaana la daawaday 10-kii Janaayo 2020 halka Superstar Vijay filimkiisii ugu dambeeyay ee masraxa loo saaray ahaa Bigil oo la daawaday 25-kii October ama Diwali 2019 sidoo kalena Vijay filimkiisa Master waxaa la daawan rabay 9-kii bisha April ee aan kasoo gudubnay balse tiyaatarada oo xiran awgeed ayaa filimkan dib loogu dhigay daawashadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here