Ma jirto aqbaar ka saameyn badan in ruug cadaa Jackie Shroff iyo wiilkiisa xidigaha ah Tiger Shroff markii ugu horeesay shaashada kasoo wada muuqan doonaan wuxuuna Jackie aqbalay filimka Baaghi 3 inuu door muhiim ah ku yeesho kadib markii uu kulan la qaatay soo saare Sajid Nadiadwala.

Jackie Shroff ayaa filimka Baaghi 3 ku jilaayo Tiger Shroff iyo iyo Retiesh Deshmukh aabahood waxaana la sheegay Jackie inuu duubista filimkan soo xaadiray Isniintii aan kasoo gudubnay sidoo kalena maanta oo Jimco ah duubistiisa wuu soo idleenaa waxaana ku faraxsan tahay taageerayaasha Tiger in markii ugu horeesay wiil iyo aabihiis shaashada ku daawan doonaan.

Filimka Baaghi 3 waxaa atirisho kowaad ka ah Shraddha Kapoor waxaana Director ka ah Ahmed Khan qorshahana wuxuu yahay mashruucan weyn in la daawado 6 Maarso 2020 ayadoo la wada xasuusto labadii qeybood hore filimkan guulo lixaad leh inay gaareen.

Tiger Shroff sanadii 2014 ayuu Bollywood-ka kusoo biiray wuxuuna sheegay in riyadiisa ugu weyn tahay mar un aabihiis Jackie Shroff inuu shaashada kala soo muuqdo haatana riyadaas si lama filaan ah soo saare Sajid Nadiadwala ayaa u rumeeyay weliba Jackie filimka Baaghi 3 Tiger aabihiis ayuu ku matalaa waxayna wadaagi doonaan dareen qiiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here