bishii December sanadkii 2018 filimka Simbba waxaa Rohit Shetty uu kusoo bandhigay doorka aktarka Ajay Devgan ee filimkiisa Singham kaaso muuqaal marti oo saamayn leh ku lahaa filimkan

sidoo kale Rohit waxa uu filimkan kusoo bandhigy doorka cusub ee aktarka doorka askariga cusub ee Akshay Kumar kaaso lagu magacaabo Sooryavanshi kaaso hadda duubistiisa ka socota gaar ahaan magaalooyinka kala ah Mumbai, Bangkok iyo Hyderabad.

iyadoo Director Rohit uu markan doonaya inuu sameeyo dhacdo weyn oo taariikhi ah isagoona doonaya inuu hal mar shaashada kuwada kulmiyo sedexdiisa door ee caanka ah kuwaaso kala ah Akshay Kumar ( Sooryavanshi ) kaaso filimkan hogaamiye ka ah halka  Ranveer Singh (Simmba ) iyo Ajay Devgan (Bajirao Singham) ay muuqaal marti ah ku lahaan doonan filimkan waana dhacdo taariikhi ah

Rohit ayaa hadda ku sugan magaalada Hyderabad isagoo halkaas ku duubi doona jadwal muddo 20 maalin ah gaar ahaan Ramoji Film City iyadoo Director Rohit filimkiisa Simmba lagu hore lagu wada arkay sadexdan dood laakiin hal mar shaashada maysan wadaagin si wadajir ah

laakiin hadda Rohit ayaa doonaya inuu si weyn kaga faa’ideysto labadiisa door kale ee Simmba ( Ranveer Singh) iyo Singham ( Ajay Devgan ) si ay u caawiyaan Sooryavanshi )
(Akshay Kumar) kaaso doona inuu la dagaalamo laadarka shaydaanka ah ee awoodda badan Gulshan Grover

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here