Bilaabasho weyn; Taxanaha Kurulus Osman oo xalay Rating la wareegay isla markaasna taxanaha Mucize Docor meel fariiso dhahay.

0
796

Waxaa xalay lasoo daayay taxanaha Kurulus Osman kaasoo uu hogaamiye kayahay jilaaga Burak Ozcivit waxayna xalqadiisa koowaad durba la wareegtay Ratinga isbuuclaha ayadoona saameynteeda horay ka bilowday.

Taxanahaan oo ka sheekeynaayo taariikhdii iyo qaabkii lagu aasaasay khilaafadii Cusmaaniyiinta taasoo aduunka u talin jirtay ayaa si weyn xalay ku furmatay wuxuuna Ratingeeda kor u dhaafay 15Rtg asigoona ka saro maray taxanaha sida weyn asna loo jecelyahay ee Mucize Doctor.

Taxanaahaan waa taxane taariikhi ah waana seasonkii 6aad ee taxanaha Dirilis Ertugrul balse haatan loo badalay Kurulus Osman wuxuuna habeen walba oo arbaco ah kasoo gala kanaalka Atv.

Bilaabashadaan ayaa waxay ka dhigantahay sida taxanahaan loo jecelyahay oo gudaha turkiga looga daawado waxaana xusid mudan in taxanaha Hercai ee isla kanaalkaan laga sii daayo uu habeenka sabtida inta badan ratinkiisa noqdo 8Rtg ilaa 9Rtg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here