Home » Nolosha Jilaayaasha » Bilawgii Sheekada: Ranbir Waxuu Alia Ka Codsaday Inuu Gaarigiisa Ku Qaado Maxay Sameesay Iyadoo Xishooneysa!!

Bilawgii Sheekada: Ranbir Waxuu Alia Ka Codsaday Inuu Gaarigiisa Ku Qaado Maxay Sameesay Iyadoo Xishooneysa!!

Lamaanaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt xiriirkoda waa mid hader ku faafay meel walba lagana hadal hayo waxuuna xiriirkoda si rasmi ah usoo shaac baxay markii ay si wadajir ah oga qeyb galeen xaflada arooska Sonam Kapoor iyo Anand Ahuja.

Hadaba bilawgii xiriirkoda iyo xiligii ay is barashada ku guda jireen lamaanahan wey iska kala xishoon jireen in badan Alia dhankeeda ayuu u badnaa xishoodka.

Waxay ahed xili ay ilmo agoon ah wada booqden mid walbana goonidiisa u yimid goobta halkaaso ay deeq ku baxsadeen dhankooda maadama dad badan ilmaha agoonta wax ugu deeqayeen.

Bishii November sanadkii 2017 ayee ahed xiligaaso xirirkoda uu cusbaa hadana isbarasho ay ku guda jireen balse sida hader loo hadal hayo xiligaas looma hadal heynin goobtii aye kusoo daahen ilaa xili habeen ah.

Ranbir markii uu kasoo baxaayey xarunta ayuu waxuu arka Alia oo macsalaameyneysa haweenka meesha maamulayeen iyo caruurtii markii ay kasoo tagtay iskuna diyaarineyso inee gaarigeeda raacdo ayuu si hoose kaga codsaday inee gaarigiisa soo raacdo si uu xaafadeeda u geeyo.

Waxaad moodaa in Alia dhankeeda rabtay in mar uun Ranbir uwaco si deg deg ah ayadoo aysan hadlin aye ku gashay gaarigii Ranbir Kapoor arinkaas xiligaas dhacay ayaa maanta lagu hadal hayaa baraha bulshada waana qeyb kamid ah bilawgii jaceylkooda iyo dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaayen lamaanahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *