Ronaldo waa ciyaaryahanka ugu taageeraha badan shirkada Bollywoodka shaqsiyaad badan ayaa halkaas ku taageeraan xidigaan haba ugu badnaadeen dumarka atiriishooyinka ah ee kubada cagta xiiseeyaan.

Kama hadleeno taageerida koox ee waa mid shaqsi ah bak aan isla fiirino qaar kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ee taageeraha weyn u ah laaciibka Juventus u ciyaara C.Ronaldo.

Bipasha Basu: Bipasha waa taageeraha Ronaldo ugu weyn ee Bollywoodka katirsan tiro maleh inta jeer ay shaacisay inee taageero weyn utahay Ronaldo sanadkii 2015 waxaa la arkay xidigtaan oo Ronaldo shumiska bishimaha la wadaageyso iyadoo meel fagaaro ah la joogo.

Priyanka Chopra: Miami ayee hada kahor waqti wacan kula qaadatay Priyanka Chopra ciyaaryahanka ay taageerto ee Ronaldo hal habeen dhan ayee xaflad kuwada sheekeysanayeen xafladaaso xitaa ay Dance wacan ka muujisay.

Goobta waa lagu wada ciyaaray habeenkaas xidigo kale oo kubada cagta ah ayaa xaadir ahayen sida Paolo Maldini, Sami Khedira, Iker Casillas iyo Ricardo Kaka xaflad shidan ayee ahed oo Priyanka wacdaro ka dhigtay sanado kahor halkaasna ay kukal kulantay Ronaldo oo ay taageero weyn u tahay.

Deepika Padukone: Warar xan ah ayaaba sheegen in Deepika mar ay shukaansatay Ronaldo maadama ay ka heshay waxayna fagaaro ka sheegtay in Ronaldo yahay ciyaaryahanka ugu shidan kubada cagta waqtigaan la joogo taageero weyna ay u tahay.

Kareena Kapoor:

Bebo waxay kamid tahay gabdhaha uu soo jiitaya CR7 oo aad ayee oga heshaa habka uu kubada cagta u ciyaaro laaciibkan reer Portugal waxaa kaloo kamid ah atiriishooyinka taageeraan CR7 atiriishada caanka ah Nargis Fakhri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here