Atiriishada caanka ah Kareena Kapoor Khan ayaa markale hooyo noqon doonto halka Saif Ali Khan oo ah jilaa caan ah ubadkiisa afaraad sugaayo inuu udhashto horey waxuu u heystay jilaagan caruurta lagu kala magaacabo Sara Ali Khan, Ibrahim Ali Khan iyo Taimur Ali Khan labada hore waxaa hooyo u ah atiriishadii hore Amrita Singh.

Hadaba lamaanahan ayaa ku dhawaaqeyn inee sugayaan cunug kale mar ay qoraal rasmi ah soo saarayeen waxay dhaheen,”waxaan ku faraxsanahay inaan idiin la wadaagno in qoyska kusoo biiri doono cunug kale (Gabar ama Wiil) waad ku mahadsantihiin sida aad inoo garab istaagteen duco ahaan iyo jaceyl ahaan.”

Hader waxaa la ogaaday bisha Kareena umul gali doonto ama hooyo noqon doonto waxaana shaaca ka qaaday aabahed oo shabakada Pinkvilla wareysi la yeelatay waxuuna yiri isagoo hadlaayo,”Kareena iyo Saif labo maalin kahor inta aysan warkaan shaacinin ayee ilasoo xiriiren iina sheegeyn arinkaan waana ku farxay runtii waana u duceeyay.”

“Waxay Kareena iisheegtay qiyaas ahaan in bisha Maarso 2021 la filaayo inuu cunugaan dhashto gabar iyo wiil waxuu noqon doonana waan wada sugeynaa” dhanka shaqada xidigtaan waxaa dhamaadka sanadka usoo bixi doono filimkeeda Laal Singh Chaddha oo la daawan doono dhamaadka sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here