Labada filim sameeye ee walaalaha ah loogana haray sameynta filimada qayaanada iyo aargudashada Abbbas-Mustan ayaa xaqiijiyeen inay kusoo biireen dunida loo yaqaan Digital World ama Web World waxayna sameenayaan filim si Online ah barta Netflix looga daawan doono oo lagu magacaabo Pent House waana filim qayaano socoto ah oo si xeeladeesan loo sameyn doono.

Sida la ogaaday Abbas-Mustan waxay la saxiixdeen sedexda atoore ee kala ah Bobby Deol, Arjun Rampal iyo Sharman Joshi inay mashruucan xiisaha badan hogaamiyaal ka noqdaan weliba shirkada Netflix ayaa filimkan maal galineyso kadib markii ay fariintiisa ka heleen waxaana duubis lagu bilaabi doonaa 25 ka bisha September ee nagu soo fool leh.

Waxay noqon doontaa Bobby Deol iyo Abbas-Mustan inay dib u midoobi doonaan 13-sano kadib waxayna horey u wada sameeyeen filimada caanka ah ee hirgaleen Soldier (1998), Ajanabee (2001), Humraaz (2002) iyo Naqaab (2007) balse Arjun Rampal iyo Sharman Joshi waxay u noqon doontaa markii ugu horeesay oo ay la shaqeyn doonaan Abbas-Mustan.

Waxaa la sheegay in haatan xaafada Goregaon ee Mumbai ka tirsan laga dhisaayo goob weyn oo filimkan Pent House lagu duubayo waxaana loo sameyn doonaa si caalami ah ayadoo fariintiisa qayaano iyo arimo qarsoon uu yahay waxayna u badan tahay in Bobby, Arjun iyo Sharman filimkan mid walbo midka kale qayaani doono. Waxaana la qorsheenaa in filimkan sanadka dambe bilooyinkiisa ugu horeeyo barta Netflix si Online ahaan looga daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here