Superstar Akshay Kumar iyo kooxdiisa Housefull 4 ma aysan u ceeb qarinin saaxiibkooda Bobby Deol oo balanka ilaalin waayay madaama 40-daqiiqo loo xayirnaa sidii loo daawan lahaa filimka Housefull 4 oo marti badan lagu casuumay inay qiimeeyaan filimkan weyn ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

Sheekadan waxay dhacday ka hor filimka Housefull 4 inta aan tiyaatarada la saaray waxay kooxda filimkan kireeyeen tiyaatar weyn oo ay qoysaskooda, marti u gaar ah iyo qaar ka mid ah saxaafada ku casumeen si ay Housefull 4 ula daawadaan kadiba aragtidooda meesha kusoo bandhigaan laakiin nasiib daro Bobby Deol ayay wax walbo u xayirnaadeen in daaha laga qaado.

Waxaa lagu balamay 8:00 pm xiliga Hindiya in la daawado Housefull 4 balse ilaa 8:40 pm waxba la shidin waxaana ugu wacnaa Bobby Deol oo imaan waayay sidaa darteed Riteish Deshmukh ayaa bartiisa Instagram-ka Video soo dhigay wuxuuna dhahay “Bobby ku aaway adigaa lagu xayiran yahay dadka oo dhan waa joogaan” Kadibna Akshay Kumar wuxuu dhahay balanka sidaan ma ahayn saaxiib naga soo dhaqso” Sidoo kalena dhamaan atirishooyinka filimka magaca Bobby ayay ku hayeen waa na ceebeesay ee soo orod martida oo dhan wey joogtaa.

Taxanaha Housefull 4 Bobby Deol wuu ku cusub yahay balse markaan wuu ceeboobay xidigan cudur daarna lagama haayo sababtii 40-daqiiqo uu dib ugu soo dhacay daawashada mashruucan oo jilaayaal badan lagu casuumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here