Home » Box Office » Bobby Deol iyo 7-filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen haddii sicirka maanta lagu jaan gooyo (+Sawiro)

Bobby Deol iyo 7-filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen haddii sicirka maanta lagu jaan gooyo (+Sawiro)

Bobby Deol wuxuu kusoo laabanayaa filimka Race 3 ee Mega Star Salman Khan hogaamiye ka yahay kaasi oo Jimcadaan (15 June 2018) tiyaatarada la saari doono.

Bobby haatan wuxuu doonayaa inuu dib saaxada ugu soo laabto awoodiisana dib usoo ceshto inkastoo afartii sano ugu dambeesay xidigaan shaqadiisa Bollywood-ka yaraatay balse uu haatan soo karaar qaadanayo asigoo aflaan kala duwan oo xiiso leh saxiixday sida Yamla Pagla Deewane 3 iyo Housefull 4.

Haddaba aan isla ogaano in Bobby ahaan jiray xidig weyn oo Bollywood-ka ka heebeestaan awoodna la ahaan jiray dhamaadkii 90-maadkii ilaa bilawgii qarnigaan.

Si aan u fahano awooda uu Bobby fanka ku lahaa waa inaan soo qaadanaa filimadiisii lacagaha ugu badan soo xareeyeen kadibna sicirka maanta aan ku jaan goono si loo fahmo awoodiisii 16-sano ka hor inay aad u sareesay.

Fadlan hoos kaga bogo 7-filim ee Bobby Deol sameeyay kuwaas oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen laguna jaan gooyeeyay sicirka maanta:

1. Barsaat (Super) wuxuu keenay 19.18 Crore oo maanta u dhiganto 190.93 Crore asigoo noqday filimka 5-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1995.

2. Soldier (Super Hit) wuxuu keenay 21.37 Crore oo maanta u dhiganto 170.90 Crore asigoo noqday filimka 3-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1998.

3. Gupta (Hit) wuxuu keenay 18.23 Crore oo maanta u dhiganto 168.16 Crore asigoo noqday filimka 6-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1997.

4. Badal (Hit) wuxuu keenay 15.38 Crore oo maanta u dhiganto 112.93 Crore asigoo noqday filimka 5-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 2000.

5. Ajnabee (Average) wuxuu keenay 17.04 Crore oo maanta u dhiganto 103.10 Crore asigoo noqday filimka 10-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 2001.

6. Humraaz (Average) wuxuu keenay 16.59 Crore oo maanta u dhiganto 87.78 Crore asigoo noqday filimka 5-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 2002.

7. Yamla Pagla Deewana (Hit) wuxuu keenay 54.93 Crore oo maanta u dhiganto 85.91 Crore asigoo noqday filimka 10-aad lacagaha ugu badan soo xareeyay 2011.

Hadaba Aqriste 7-Filim Ee Bobby Deol Sameeyay Kuwooda Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen Marka Sicirka Maanta Lagu Jaangooyo Midkee Ka Xiiseysaa Hal Iyo Labo….

2 Responses to Bobby Deol iyo 7-filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen haddii sicirka maanta lagu jaan gooyo (+Sawiro)

  1. fatxi

    June 13, 2018 at 11:13 am

    sxb wxn fiirsady dhamaan xili laga joogo 15 sano anigo yar wane filamada somalida aad ujeclayen sida soldier gupt badal humraz ajnabee iyo kareeb wxn leyahy noqo super star

  2. inj haadi

    June 13, 2018 at 11:18 am

    aniga waxan ka xiseeya soldier iyo gupta
    waa lwbo film aanku jeclahay heesaha
    iyo actionka