Home » Wararka Maanta » Bobby Deol iyo doorkiisa Deewana aragtida u gaarka ah filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se

Bobby Deol iyo doorkiisa Deewana aragtida u gaarka ah filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se

Hadal heynta Bollywood-ka iyo baraha bulshada reer Deol ayaa heestaan haddii aan horey idin kula wadaagnay Sunny Deol iyo Dharmendra Deol aragtiyadooda kowaad filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se markaana Bobby Deol ayaa soo galay Internet-ka.

Bobby Deol iyo doorkiisa Deewana ee jaceylka waalida ah ayaa laga soo bandhigay sawirka sare idin kaga muuqdo waana muuqaal hadal heyntiisa wato sida loo diyaariyay asigoo wato  funaanad ay ku qoran tahay “Gurigeyga ayaan kasoo baxay”.

Filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se waxaa la daawan doonaa 15-ka Aug 2018 maalinta xurnimada Hindiya waxayna isku dhici doonaan Akshay Kumar filimkiisa Gold oo isagana horey maalintaas fasaxa qaran jiro u calaameestay.

Maalinta berito ah ayaa lasoo bandhigi doonaa muuqaal kooban ama goos goos kooban (Teaser) oo filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se u gaar ah sidoo kalena Jimcada dadka tiyaatarada ka daawan doonaan Race 3 iyagana goos gooska filimkan ayaa loogu soo dhex deyn doonaa.

Wey Bilaabatay Xayeysiin U Sameynta Filimka Shactirada Badan Yamla Pagla Deewana Phir Se Ee Reer Deol Isugu Imaadeen….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *