Kooxda filimkaan waxay balan qaadeen in Houseful 4 ka shactiro badnaan doono seddexdii qeybood ee hore oo la isku daray Kriti Sanon ayaana shalah baraha bulshada ku sheegtay in maanta dhamaan aragtiyada jilayaasha lasoo bandhigi doono.

Houseful 4 waa taxano soo jireen ahaa seddex qeybood hore looga sameeyay waxaana maalgalinaayo Sajid Nadiadwala halka 27 bishaan la daawan doono goos gooska dhameestiran mashruucan Diwali-gana si toos ah ayaa tiyaatarada looga daawan doonaa.

Akshay Kumar aragtidiisa kowaad ee laga soo bandhigay 2 door ayaa ka muuqata mid waa Bala oo 600 sano kahor jiray ama 1419-kii noolaa doorkiisa labaadna waa Harry oo jiro waqtigaan la joogo ama 2019.

Markaana waxaa lasoo bandhigay Riteish Dushmukh iyo Bobby Deol doorarkooda iyo aragtiyadooda mashruuca, Riteish waxuu kujilaa filimka doorka Nartaki Bangdu oo u muuqda macalinka ciyaarta qoobka cayaarka ama Dance-ga waana laba door mid noolaa 600 sano kahor iyo mid 2019 nool.

Housefull 4 new posters:  Riteish Deshmukh and Bobby Deol set to take us on a laughter riot as Bangdu and Dharamputra

Halka Bobby Deol uu kujili doono doorka Dharamputra oo ah halyeey dagaal yahan ah iyo ilaaliyo qaas ah dadka qaar ayaaba dhaheen waa aragtida ugu shidan marka lala bar bardhigo aragtiyada kale atoorayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here