Bobby Deol oo ka mid ah xidigaha ugu caansan Bollywood-ka sidoo kalena door walbo sameen karo wuxuu markaan ku jiraa waqti wanaagsan madaama tan iyo markii uu soo laba kacleeyay aflaan kala duwan gacanta ku dhigaayo. Bobby Deol sanadkii hore wuxuu sameeyay filimada Race 3 iyo Yamla Pagla Deewane Phir Se haatana waxaa u diyaarsan filimka Housefull 4 oo la daawan doono 25-ka bishan October ama feestada Diwali.

Haddaba Bobby Deol ma doonayo Big Screen ama shaashada weyn ee tiyaatarada laga daawado inuu ku ekaado wuxuuna qayb ka noqday jilaayaasha Bollywood-ka ee sahminayaan waxa loo yaqaan Digital World ama aflaanta sida tooska ah Internet-ka looga daawado ayadoo laga fiirsado Netfelix, Amazon Prime, Hotstar, Zee5 iyo kuwo kale oo lacago lagu daawado.

Bobby Deol dhawaan wuxuu soo idleeyay duubista filimka sida Online-ka ah loo daawan doono Class 83 ee SRK shirkadiisa Red Chillies Entertainment maal galisay sidoo kalena toos looga daawan doono Netfelix si Online ah.

Bobby wuxuu u bogay fariimaha loo soo bandhigaayo ee Digital World-ga loogu tala galay haatana wuxuu saxiixdaymashruuc si Online ah loo daawan doono oo lagu magacaabo Dera waxaana Director ka ah filim sameeyaha fariimaha adag sameeyo Prakash Jha oo horey u sameeyay filimada caanka ah sida Gangaajal, Apaharan, Rajneeti, Jai Gangaajal, Satyagarah iyo Aarakshan markaan isagana Digital World ayuu ka war doonayaa wuxuuna u dhiibtay Bobby Deol filimkiisa kowaad oo si Online ah loo daawan doono.

Bobby Deol ayaa filimka Dera ku matali doono siyaasi iyo wadaad Hinduu ah oo lagu magacaabo Gurmeet Ram Rahim Singh kaasi oo muran badan noloshiisa dhexda ka gashay kadib markii dambiyo badan lagu soo oogay.

Bobby Deol ayaa haatan duubis ku wado filimka Dera waxaa la jileyso atirishada lagu magacaabo Anupriya Goenka oo Padmaavat iyo Sacred Games doorar ku laheyd sidoo kalena waxaa mashruucan door muhiim ah ku leh wiilka musal salada sameeyo Sachin Shroff kuna caan baxay musal salka Sindoor Tere Naam Ka ee Zee TV laga daawado waxaana la sheegay in Bobby Deol filimkan kusoo gaba gabeen doono jadwal afar bilood ah oo ku eg dhamaadka Janaayo 2020 waxaana lagu duubayaa inta badan magaalooyinka Ayodhya iyo Lucknow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here