Bobby Deol oo 7-sano kadib IIFA Awards 2018 ka heesi doono iyo soo dhaweynta uu Varun Dhawan ka helay (+Video)

Xidiga caanka ah Bobby Deol wuu soo laabtay haatana fagaaraha Bollywood-ka isaga ayaa heesto wuxuuna si rasmi ah u cadeeyay inuu heeso ka qaadi doono iyo Dance-gii uu caanka ku ahaa xaflada IIFA Awards 2018.

Bobby Deol oo jir ahaan is diyaariyay waxaa xaflada soo bandhigada IIFA 2018 ugu yareeyay Varun Dhawan oo safiir ka ah sanadkaan.

IIFA Awards 2018 waxay ka dhici doontaa magaalada Bangkok 22-ka June ilaa 24-ka bishan June ayay socon doontaa waxayna Bollywood-ka isugu tagi doonaan dalka Thailand.

Varun Dhawan ayaa Bobby Deol IIFA 2018 gogol dhigeeda kusoo dhaweeyay sidoo kalena wuxuu taageerayaasha u sheegay in Bobby IIFA ruxi doono sanadkaan asigoo heesihiisa hirgaleen filimada Gupta iyo Soldier ka qaadi doono iyo sidoo kale heesihiisa Race 3.

Sidoo kale Bobby wuxuu sheegay in 7-sano ka hor ugu dambeesay inuu xaflada IIFA Awards kasoo muuqdo haatana ku faraxsan yahay inuu shaqo adag ka qabanaayo magaciisana baraha bulshada iyo meel walbo kusoo laabtay.

Fadlan hoos kaga bogo Video-ga Varun iyo Bobby Deol dadka ku mada daaliyeen sidoo kalena waxaaba fiicnaan laheyd in Varun iyo Bobby hal filim loo wada dhiibo: