Xidiga caanka ah Bobby Deol ayaa soo laabasho weyn sameeyay kadib mudo 4 sano ah oo uu Bollywoodka ka maqnaa Salman Khan ayuuna kala soo muuqday Race 3 sanadkii hore sido kale Akshay Kumar ayuu Houseful 4 la sameeyay oo todobaadkan la daawan doonaa.

Caajiskii iyo culeyskii ayuu iska qaaday dib ayuuna jirkiisa udhisay ilaa uu u ekaaday wiil dhalinyaro ah isagoo hader 50-ka kusii dhow waayihiisa fanka hindiya ugu wacnaa waa intii udhaxeysay 1995-2005.

Waxuu aad u ammaanay Salman Khan iyo abaalka uu u galay waxuu yiri,”waligey ma arag qof ka wanaagsan Salman Khan waa saaxiib iyo walaal wanaagsan mana ilaawi karo abaalka uu ii galay naxariistiisa badan qof leh waan waayey.”

Xili uu xayeysiin u sameynaayey Filimkiisa Houseful 4 ayuu jilaagan sida yiri dhanka kale waxuu ka hadlay wada shaqeynta isaga iyo Akshay Kumar waxuuna yiri.

“Akshay waa saaxiib wanaagsan waligeen ayaa saaxiibo ahen mudo 18 sano iyo ka badan waan ku raaxeestay sida macaan ee aan ula duubay Houseful 4 isaga iyo Riteish qosolka ayee iga dhameyeen waa dad qalbi wanaagsan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here