Bobby Deol waa xidig weyn maqaam sarena fanka ka gaaray waxuuna Bollywoodka soo galay 1995 wixii ka dambeyay magac iyo awood ayuu fanka ka helay balse noloshiisa gaar ah dhacdooyinkii qabsadeen wax badan oo laga qoray inta badan lama sheeg sheego. Sanadkii 1995 arrin ayaa dhexmartay Bobby Deol oo fanka ku cusbaa iyo atiriishada soo jiidashada badneed ee Mamta Kulkarni taaso xiligaas wiilal badan qalbiga ka xaday hadaba sheekadan oo faah-faahsan hoos ka akhriso.

Dharmendea ayaa maalgaliye ka ahaa Filimka Barsaat ee Bobby Deol lagu soo caan bixinaayey isaga iyo kooxda filimka waxay soo dageen Hotel uu lahaa Superstar Mithun Chakraborty laguna magacaabo Monarch.

Barsaat qeyb kamid ah ayaa la rabay in halkaas lagu duubo balse Mithun ayaa dhankiisa asna Hotel-kiisa ku duubanaayey filimkiisa Ahankaar oo Mamta Kulkarni la jishay habeenkii xiliga fiidka markii la gaaray Mithun ayaa go’aansaday inuu Mamta baro wiilka cusub ee reer Deol kaaso Bollywoodka soo galaayo laguna magacaabo Bobby Deol.

Bobby oo kursi kufadhiyo meel kaligiis waxaa u imaaden Mithun iyo Mamta halkii ayeena isku barteen kadib Mithun wuu ka dhex baxay sheeko dheer ayeena goobta ku galeen Bobby Iyo Mamta iyo waliba Kaftan waxaadba mooda dad sanado is yaqaanay.

Bobby ayaa ka codsaday Mamta inee la ciyaarto Dance-ga wiilka iyo gabadha ciyaaraan dabaqa sare ayeena isla aaden kadib Bobby waxuu isdhahay fursadaan ha iska beel dareenin ee weydii.

Si lama filaan ayagoo dance-gii ciyaarayaan ayuu Mamta usheegay inuu aad oga helay quruxdeeda iyo sooo jidashadeeda kadibna waxuu ka codsaday inee habeenkaas la seexato maadama ay maskaxdii ka qabsatay aadna uu oga helay balse Mamta wey ku gacan seertay dalabka Bobby.

Waxay usheegtay in goordhow isaga iyo Pooja Bhatt ay kala tageen sheekadoodana ay la socoto waxay kaloo u sheegtay hadii ay sawiro shidan Magazine kaga soo muuqatay ineysan ka dhigneen inee tahay gabdhaha noocaas oo kale ah.

Waxay u sheegtay Bobby inuu diirada saaro shaqada Bollywoodka uusan isku mashquulinin quruxda atiriishooyinka mana ahi ayee tiri gabdhaha noocaa ii maleyso weyna ka dhaqaaqdat iyadoo xanaaqsan.

Bobby Deol arintaan waligiis ma inkirin oo waa been ma dhihin marwalba oo la weydiiyo ileen Bollywoodka oodhan ayee ku faaftay mida kalena wax iska caadi ah ayee aktooda ka tahay in wiilka gabadha haduu kahelo ka codsado habeen inee la seexato xitaa gabdhaha ayaaba sidaa sameyaan oo dabeecadooda ayee kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here