Atooraha caanka ah ee laga dambeeyo Bobby Deol wuxuu ku jiraa waqti wacan madaama sanadii hore Bollywood-ka uu kusoo laabtay wuxuuna kusoo laabtay filimkii Race 3 asigoo afar sano saaxada ka maqnaa balse haatan mashaariic kala duwan ayuu helaayo sidoo kalena ku qanacsan kaalinta Bollywood-ka 50-jirkan.

Haddaba Bobby oo xayeysiin u sameenayo filimkiisa Housefull 4 oo Jimcadan tiyaatarada la saarayo ayaa saxaafada arimo badan kala hadlay balse waxaan kasoo qaadanay kuwii ugu muhiimsanaa ee uu diirada ku saaray qoyskiisa, shaqadiisa iyo saaxiibada uu Bollywood-ka ku leeyahay:

Housefull 4 muxuu ka filanaa Bobby: waa taxane hirgalay oo sedexdiisa qeybood hore HIT noqdeen waxaan rajeynaa in qaybta 4-aad Big HIT noqoto madaama aan ku raaxeestay la shaqeynta Akshay iyo Retiesh oo taxanahan siweyn iigu soo dhaweeyeen.

Soo Laabashadiisa kadib maxaa u hirgalay: Afar sano oo aan maqnaa waxaan fahmay in jilaaga laga rabo door walbo sameyn karo sidaa darteed waxaan dooranayaa mashaariic kala duwan iyo doorar kala duwan xitaa waxaan sahminayaa Digital World ama aflaanta Online-ka looga daawado weliba labo filim Online loo daawanayo ayaan sameenayaa.

Saaxiibada uu Bollywood-ka ku leeyahay: reer Deol ahaan qof walbo ayaan saaxiib la nahay balse aniga haddii aan teyda ka hadlo Salman Khan waa bini aadanka ugu wanaagsan ee fanka Hindiya heestaan haddii uusan isaga garab i siin laheyn maanta Housefull 4 xitaa ma sameyn laheyn sidoo kalena Akshay Kumar isagana waa saaxiib kale oo aan shaqooyin badan isla soo qabanay.

Soo dhaweyntii Karan Deol uusan helin: waan ka xumahay in Karan filimkiisii kowaad guul dareestay balse aabo walbo wiilkiisa wuxuu la jecel yahay guul iyo sumcad sidaa darteed Sunny Deol kuma eedeen karno guuldaradii filimka Pal Pal Dil Ke Paas wuxuuna Karan leeyahay xirfad iyo karti uu ku shaqeesan karo nasiibkana waa halkiisa iyo inuu helo fariimo tayo wanaagsan.

Fashilkii filimkii Yamla Pagla Deewana 3 ku yimid: Cidna ma fileyn fashilkii ku yimid YPD3 sanadkii hore waana ka xunahay in taageerayaasheena naga niyad jabeen balse hal mid ayaan idiin balan qaadaa in reer Deol ahaan dib u wada shaqeyn doono lana imaan doono aflaan qiiro badan oo aad u tayo wanaagsan daawadayaashana ka heli doonaan.

Waa maxay doorka maanta Bobby ku leeyahay Bollywood: Ma ihi xidig dadka aflaanta ka gadi karo sidii aan ahaa waagii hore balse midaas hadda muhiim iima ahan waxaa muhiim ii ah inaan jir ahaan diyaarsanahay caafimaad qabo shaqadeyda ku raaxeesto inta kalena wey iska imaan doonaan waxaana albaabada u furaa jilaa kasto iyo filim sameeye kasto inaan la shaqeeyo hogaamiye inaan noqdo uma baahni balse door muhiim ah iyo sheeko tayo wanaagsan inaan sameeyo ayaan rabaa marwalbo inta aan noolaheyna waan shaqeyn doonaa mardambe saaxada kama bixi doono.

Wiilashiisa Aryaman iyo Dharam Bollywood-ka Miyay soo galayaan: Dharam weli waa yar yahay balse Aryaman haddii uu doonayo fanka inuu soo galo garab ayaan siinayaa waxaan ku balanay inuu waxbarashada dhameesto kadib isaga ayaa iska leh go’aankiisa mustaqbalka iyo xirfada uu dooranayo waayo anigaba aabaheey Dharmendra iguma qasbin inaan jilaa noqdo ee aniga ayaa doortay shaqadan haddii uu doortana Aryaman waan ku farxi doonaa waana garab istaagi doonaa.

Ma Jirtaa Bobby qof dhiiri galin la daba taagan xili walbo: haddii Tania Deol ahaan laheyn marba Bobby shaqadii lagu yaqiinay kuma soo laaban laheyn waa qof i garab taagan xili walbo marwalbana igu dhiiri galiso inaan shaqeesto dadkana mada daaliyo waana hooyo karti badan oo caruurteyda daryeesho kana war heyso xili walbo sidaa darteed Tania waa nolosheyda barkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here