Home » Nolosha Jilaayaasha » Bobby Deol oo qiireesan ayaa Salman u mahad celiyay soo bandhigidii goos gooska Race 3 (+Video)

Bobby Deol oo qiireesan ayaa Salman u mahad celiyay soo bandhigidii goos gooska Race 3 (+Video)

Hadal heynta ugu weyn shalay Bollywood-ka waxay ahayd soo bandhigida goos gooska filimka weyn Race 3 ee Mega Star Salman Khan hogaamiye ka yahay sidoo kalena jilaayaal badan mashruucaan la isugu keenay.

Xafladii Race 3 goos gooskiisa lagu soo bandhigaayay dhamaan jilaayaasha filimkaan ayaa ku wada sugnaayeen balse saxaafada xiiso gaar ah waxaa ku haayay isbadalka jir ahaaneed ee Bobby Deol la yimid.

Bobby wuxuu kusoo baxay murqaani diyaarsan sidoo kalena goos gooska Race 3 waxaa lagu soo bandhigay muuqaal Salman iyo Bobby oo xabadka u wada qaawan xili ficilo halis ah ay sameenayaan.

Haddaba Bobby Deol ayaa saxaafada u sheegay in Salman Khan uu yahay qof abaal weyn ku leh haddii uusan garab siin laheyna dib dambe saxaada loogu arki laheyn.

Inkastoo Bobby goos gooska Race 3 muuqaal ahaan uu ku yaraa haddana Salman Khan wuxuu sheegay in Bobby uu yahay “The Main Man” ama qofka ugu muhiimsan qoyskiisa Race 3 sidoo kalena muuqaaladiisa goos gooska lagu yareeyay micno weyn xambaarsan tahay.

Race 3 waxaa la daawan doonaa 15 June 2018 ama Ciidul Fitrigaan waana filim si weyn loo wada sugaayo, fadlan hoos ka daawo Video-ga xafladii Race 3 goos gooskiisa lagu soo bandhigay:

2 Responses to Bobby Deol oo qiireesan ayaa Salman u mahad celiyay soo bandhigidii goos gooska Race 3 (+Video)

  1. Ahmed Yoolah

    May 16, 2018 at 11:51 am

    Qiireesay maae qiiresan bal dib haloo alhubiyo halka
    Mahad sanidin

    • Zakarie Abdi

      May 16, 2018 at 12:22 pm

      Waan saxnay sxb waana ka dhignay Qiireesan, waana ku mahad santahay sidaa noo saxday.