Xidiga caanka ah ee door walbo sameyn karo Bobby Deol 27-bishan Janaayo ayuu sanad guuradiisa 51-aad u dabaal dagi doonaa xili uu waqti wacan bartanka kaga jiro madaama filimkiisii ugu dameeyay Housefull 4 Super HIT noqday sidoo kalena 200 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyay laguna amaanay doorka uu qaatay inkastoo Akshay Kumar hogaamiye ka ahaa.

Haddaba Bobby Deol ayaa sedex arimood uga war bixiyay shabakada Mumbai Mirror xili uu isku diyaarinayo sanad guuradiisa 51-aad wuxuuna marka kowaad ka hadlay halka uu sanadkan xafladiisa dhalasho ku dhiganaayo wuxuuna yiri “Waxaan xafladeyda dhalasho ku dhiganaa magaalada New York madaama halkaas uu wax ku baranaayo wiilkeyga Aryaman mana imaan karo Mumbai sidaa darteed anigaa halkaas u safraayo oo waqti lasoo qaadanayo.”

Midda labaad Bobby Deol wuxuu ka hadlay wiilka uu adeerka u yahay Karan Deol oo sanadkii hore Bollywood-ka kusoo biiray iyo soo dhaweyn wanaagsan inuusan Bollywood-ka ka helin wuxuuna yiri “Karan waa wiil daacad ah oo dadaal badan agteydana kusoo bar baaray xaq uma lihi inaan ka hadlo filimkiisii kowaad ee guul dareestay waayo walaalkey iga weyn ayaa soo caan bixiyay oo aniga xitaa Bollywood-ka iga soo daray, guul darada cashar ayaa laga bartaa haatana Karan is diyaarin adag ayuu ku jiraa dhanka jiliinka iyo jirdhiska hubaal ahaana wuu soo rogaal celin doonaa.”

Ugu dambeyntii Bobby Deol waxaa la weydiiyay mashaariicda xiga ee usoo bixi doonaan dhawaan wuxuuna yiri “Waxaa ii diyaarsan filimka Class 83 oo si Online ah Netflex looga daawan doono waxaa soo saare ka ah SRK, sidoo kalena haatan wuxuu duubaya filimka kale ee isaga Online ahaan loo daawan doono ee Prakash Raj iska leeyahay waxaan rabaa inaan sahmiyo Digital World madaama loo batay dhawaanahan sameynta aflaanta Internet-ka sida tooska ah looga daawado, kadib waxaan saxiixday labo filim oo tiyaatarka laga daawan doono oo xiiso badan marka aan kasoo laabto New York ayaan saxaafada la wadaagi doonaa labadan filim xog dhameestiran oo ku aadan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here