Bobby Deol Wuxuu Ahaa Laadarka Filmka Ajnabee Balse Akshay Kumar Ayaa Doorka Qaatay Side Ku Dhacday!!

Ajnabee waa film qayaano ah oo ay hogaamiyaal ka ahayen Bobby Deol, Akshay Kumar, Kareena Kapoor iyo Bipasha Basu waana film guulestay ganacsi ahaan.

Hadaba filmkaan waxaa Director ka ahaayen mataanaha Abbas-Mustan waxayna markii kowaad la kulmeen Bobby Deol oo xiligaas xidig weyn ahaa waxayna u bandhigeen doork Vicky ee laadarnimoda ah inuu sameeyo.

Bobby wuu ogolaaday waxaana laga qaaday tijaabo dhanka shaashadaa ah in doorkas uu sameen karo balse Abbas-Mustan waxaa u cadaatay in Bobby uusan ku fiicnen doorkas kaabo laadarka ah hadana doorka atooranimo ayee ku tijaabiyen sidii ay filaayen si ka wanaagsan ayuu u sameyay jilaagan sidaas ayeena ku qaaten Bobby oo ay doorkas daacada ah u dhibeen.

Akshay Kumar oo ah jilaa xirfad badan ayaa doorka xumaanta ah sameeyay si heer sare ahna kaga baxsaday waxaana lagu siiyay doorkisa abaal marinta Filmfare qeybta laadirka ugu wanaagsan maadama uu doorks qayaanada ah si weyn u jilay jilaagan.

Arinkan waxaa dhowaan shaaca ka qaaday Bobby Deol arinkaan isagoo wareysi dheer bixinaayo kuna shaaciyay inuu ahaa dooqa kowaad ee laadarka filmk Ajnabee.