Home » Box Office » BOI oo cadeesay TOH inuu yahay filimka ugu qaalisan Hindiya 260 Crore ayaa lagu sameeyay balse maxaa laga helay?

BOI oo cadeesay TOH inuu yahay filimka ugu qaalisan Hindiya 260 Crore ayaa lagu sameeyay balse maxaa laga helay?

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa cadeesay in Thugs Of Hindostan uu yahay filimka ugu qaalisan ebid Hindiya sameeyaan waxaana lagu qarash gareeyay 260 Crore ($39m) mana ku jirto lacagaha Aamir Khan filimada ku sameeyo madaama Aamir filimkan macaashka laga helay inta aan tiyaatarada la saarin iyo faa’iidada uu dhanka tiyaatarka ka keeno wax ka qaadanayo balse haddii lacagta Aamir lagu darao filimkan lacagta ku baxday sameyntiisa waxay gaareysaa 320 Crore ($48m).

Balse Shirkada Yash Raj Films lacago waali ah ayaa usoo xaroodeen ka hor inta tiyaatarada la saarin filimkan waxayna daqligan ku heleen magaca Aamir Khan sida shabakada BOI cadeesay.

Filimka TOH waxaa lagu balamay in dalka China laga daawado bisha Janaayo 2019 waxayna shirkadaha reer China ku iibsadeen xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha $20 million (145 crore) madaama Aamir oo suuqaas awood iyo shacbiyad ku leh hogaamiye ka yahay.

Sidoo kale shirkada Yash Raj Films waxaa usoo xarootay 150 Crore ($21m) oo ay ka heleen xuquuqaha Satelite-ka iyo Digital-ka waana lacag waali ah.

Sidaa darteed sedex xuquuq oo ay Yash Raj Films iibiyeen (suuqa China, Satelite & Digital) waxay ka heleen 300 Crore ($45m) taasi oo ka dhigan lacagta ka gashay filimkan oo ahayd 260 Crore inay usoo laabatay sidoo kalena 40 Crore oo faa’iido nadiif ah heleen ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

Aamir Khan wuu cadeeyay awoodiisa fanka Hindiya madaama filimkiisa oo aan tiyaatarada la saarin lacago waali ah daqli ahaan looga helay.

Balse Filimka TOH waa inuu tiyaatarada ganacsi weyn ka sameeyaa si sharafka iyo kalsoonida awooda Aamir aflaantiisa lagu qabo u dhaawacmin waayo haddii TOH bur buro ama sheeko ahaan la iska diido markale wey adkaan doontaa lacagtaan waalida ah Aamir filimkiisa in si hormaris ahaan loogu iibsado.

Haddii filimka TOH oo bilaabasho heer sare ah la imaaday dadka jeclaadaan waa qasab marka ay ugu yar tahay 300 Crore inu ku istaago laakiin waa filim 400 Crore laga filaanayo inuu gaaro haddii sheekadiisa ay noqoto mida Baahubali oo kale oo Hindiya laga wada jeclaadana wax walbo waa laga filan karaa inuu si waali ah 500 Crore ku gaaro.

Balse culeeska ugu weyn filimkan wajahaayo ayaa ah ma jiro mashruuc Diwali la daawaday oo 300 Crore gaaray dhawaanahan kaliya Golmaal Again ayaa 205 Crore keenay haddii dib loo laabtana 20-sano ka hor Kuch Kuch Hota Hai lacagtii uu 46.86 Crore uu keenay ayaa maanta u dhiganto 342 Crore waana arin muujineyso Diwali in aflaanta iskoor cusub soo kordhin karin.

Ugu dambeyntii wax walbo waxay kusoo bisho shuban doontaa sida TOH fariintiisa ama sheekadiisa noqoto waana waxa ugu weyn ee go’aamin karto halka filimkan uu hiigsan karo.

Fadlan kala soco shabakada Filimside sidoo kalena Rukumo si qoraal walbo aan soo dirno Notification ahaan kuugu soo dhaco oo ku saabsan filimka TOH.

Mahad sanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *