Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi usoo daabacday is bar bar dhig ugu sameesay labada filim ee miisaaniyada xoogan xambaarsan ee Telugu ama Tollywood sameeyeen waa Saaho V Syeraa Narasimha Reddy madaama labadan mashruuc ganacsi aad u balaaran u sameeyeen.

Filimka Sye Raa ee Mega Star Chiranjeevi hogaamiye ka yahay ganacsi ka wanaagsan midka Saaho ka sameeyay gobolka Telugu ayuu ka sameeyay balse isaga xitaa heerkii laga filaayay AP/Nizam ma uusan ka gaarin madaama miisaaniyad xoogan xambaarsan yahay.

Farqiga ugu weyn labadan filim wuxuu ka jiraa qaybta Af Hindiga lagu daawado madaama filimka Sye Raa qaybta Af Hindiga Disaster ka noqday halka Saaho suuqan HIT weyn ka noqday waxaana filimka Sye Raa dhulka la galay filimka War oo heesto Waqooyiga Hindiya.

Si gaar ah marka is bar bar dhig loogu sameeyo labadan dhanka Koonfur Hindiya farqi weyn uma dhaxeeyo madaama Prabhas filimkiisa Saaho 138 Crore kasoo xareeyay Koonfurta halka Chiranjeevi filimkiisa Sye Raa 134 Crore isla Koonfurta ka keenay.

Fadlan hoos kaga bogo todobaadka kowaad filimada Saaho V Syeraa Narasimha Reddy ganacsiga guud gudaha Hindiya ka sameeyeen suuq walbo shabakada BOI is bar bar dhig ku sameesay labadan filim:

Qaybta Af Hindiga Lagu Daawaday canshuurta kadib

Saaho – 113.40 Crore

Syeraa Narasimha Reddy – 8 Crore

Telugu Nizam Andhra canshuurta kadib

Saaho – 100.84 Crore

Syeraa Narasimha Reddy – 110.50 Crore

Karnataka canshuurta kadib

Saaho – 24.14 Crore

Syeraa Narasimha Reddy – 19.50 Crore

Tamil Nadu canshuurta kadib

Saaho – 10.52 Crore

Syeraa Narasimha Reddy – 3 Crore

Kerala canshuurka kadib

Saaho – 2.94 Crore

Syeraa Narasimha Reddy – 1.25 Crore

Wadarta Guud Dhamaan Luqadaha Kala Duwan Lagu Daawaday Canshuurta Kadib:

Saaho – 251.84 Crore

Syeraa Narasimha Reddy – 142.25 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here