Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo daabacday warbixin ay kaga hadleyso filimka bad baadin doono Bollywood-ka oo xaalka ku xun yahay waxayna banaanka soo dhigeen Superstar Akshay Kumar filimkiisa Sooryavanshi in daawashadiisa dib u dhac ku timid sidaa darteed Megastar Salman Khan filimkiisa Radhe noqon doono midka fanka Hindiya abaarta ka saari doono.

Waxaa la qorsheenayay in Sooryavanshi la daawado 26 Maarso 2021 todobaadka feestada Holi jirto balse haatan kooxda iska leh filimkan waxay sheegeen in mashruucooda dib u dhigeen oo ay macquul tahay bisha June in tiyaatarada la saaro madaama Sooryavanshi filim weyn yahay waxay qabaan kooxdan cabsi ku aadan suuqyada Mareekanka iyo Yurub oo weli xiran iyo 50% tiyaatarada gudaha Hindiya furan inaysan ku filneyn.

Sidaa darteed Salman Khan filimkiisa Radhe oo Eid 2021 kuna beegan todobaadka ugu horeeyo bisha May in filimkiisa noqon doono midka Bollywood-ka bad baadin doono madaama tiyaatarada la saari doono mana jiro filim kale oo weyn oo Bollywood-ka usoo bixi doono ama tiyaatarada la saari doono ilaa bisha May laga gaarayo marba haddii Sooryavanshi dib loo dhigay daawashadiisa.

Dhinaca kale BOI waxay iftiimisay in Bollywood-ka rajo beelkan kusii jiri doonaan halka Koonfur Hindiya shirkadahooda sida Telugu iyo Tamil guulaha u bilaawdeen madaama filimada Master, Krack iyo Red sanadkan wacdaro ka dhigeen tiyaatarada sidoo kalena filimo kale oo waa weyn usoo bixi doonaan reer Koonfur bilooyinka nagu soo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here