Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa warbixin kooban kasoo daabacday filimka Chhalaang ee Rajkumar Rao hogaamiye ka yahay kaasi oo 13-kii bishan November si Online ahaan loo daawaday sidoo kalena kuwa filimada ka faaloodaan mashruucan fariintiisa cayaarta Cricket-ka dulucda u tahay wada amaaneyn.

Balse shabakada BOI waxay leeyihiin daawadayaasha lama qaldi karo haddii filimka Chhalaang tiyaatarada la saari lahaa hubaal ahaan waxay leeyihiin ganacsi ahaan wuu bur buri lahaa madaama Rajkumar Rao iyo Director Hansal Mehta horey u wada sameeyeen 4-filim oo ganacsi ahaan bur bureen daawadayaashana iska diideen dhamaantoodana Disaster noqdeen.

BOI waxay leeyihiin Bollywood-ka kaliya ayaa laga helaa atoore & Director 4-filim Disaster ka noqdeen oo hadane filim 5-aad wada sameeyeen sababtoo ah mashruucan xitaa feestada Diwali ma caawin laheyn haddii xaalada caadi ahaan laheyd oo tiyaatarada la saari lahaa kaliya 25% ama 30% ayuu ganacsigiisa sare u kici lahaa feestada Diwali awgeed laakiin afartii filim labadan shaqsi horey usoo wada sameeyeen midkaan isagana waxba ma dhaami laheyn.

Haddaba BOI waxay soo daabacday Rajkumar Rao iyo Director Hansal Mehta 4-filim horey u sameeyeen iyo mid walbo ganacsiga bur burka ku dheehan uu sameeyay kadibna waxay calaamo su’aal saareen filimka Chhalaang ganacsi ahaan muxuu keeni lahaa haddii tiyaatarada la saari lahaa:

Shahid (2013) wuxuu keenay 1.99 Crore waana Disaster

Citylights (2014) wuxuu keenay 6.61 Crore waana Disaster

Aligarth (2016) wuxuu keenay 2.70 Crore waana Disaster

Omerta (2018) wuxuu keenay 3.26 Crore waana Disaster

Chhalaang (2020) muxuu keeni lahaa muxuuna noqon karay haddii tiyaatarada la saari lahaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here