Madaama qabiirada aflaanta Bollywood-ka ka faaloodaan aysan haatan heesanin aflaan Jimco walbo taxliiliyaan uguna wacan tahay tiyaatarada Hindiya oo la xiray si Coronavirus bulshada ugu dhax faafin waxay bilaabeen qolyaha aflaanta ka faaloodaan inay diirada saaraan aflaanta Koonfur Hindiya sanadkan sameeyeen kuwooda ugu sheekada wacan inay ka hadlaan.

Haddaba filimka lagu magacaabo Ayyappanum Koshiyum oo ah mashruuc reer Malayalam shirkadooda Mollywood ee xarun u ah gobolka Karela sameesay ayaa indha kuwa aflaanta Bollywood-ka ka faaloodo soo jiitay wuxuuna haatan filimkan kasbaday amaan Hindiya oo idil kaga imaaneyso.

Director Sachy sheeko sahlan ayuu doortay oo diirada lagu saaray filimka Ayyappanum Koshiyum labo nin oo si adag u xifaaltamayaan waxayna kala yihiin Biju Menon oo doorka Ayyappan Nair ku matalaayo filimkan askari mayal adag balse shaqadiisa ku weynaayo dagaal uu la galaayo ninka deegaankiisa socdaalka ku ah Prithviraj Sukumaran oo ku matalaayo doorka Koshi Kurian waxaana laga wada helay 2-saac & 5-daqiiqo filimkan soconaayo in hal muqaal oo dayacaad ka muuqato ama loo baahneyn ku jirin.

Biju Menon iyo Prithviraj Sukumaran sida ay filimkan ugu xifaaltameen ayaa siweyn usoo jiitay kuwa aflaanta Bollywood-ka taxliiliyaan waxayna haatan baraha bulshada kusoo qorayaan Bollywood-ka ma sameyn karaan sida filim Ayyappanum Koshiyum oo kale oo fariintiisa 100% heer sare tahay haddane ah filim aan qarash badan ku bixin oo hal tuulo lagu jilay hadana inaba aan caadi ahayn xifaaltanka labada atoore ka dhaxeeyo.

Haddaba waxaa haatan hubaal ah in ka hadlida iyo amaanta balaaran loo soo jeediyay filimka Ayyappanum Koshiyum wada arkeen filim sameeyayaasha Bollywood-ka sidoo kalena ku taratmi doonaan sidii mashruucan usoo iibsan lahaayeen kadibna asigoo Hindi ama Bollywood ah dib u sameyn lahaayeen.

Filimka Ayyappanum Koshiyum wuxuu soo baxay 7 Febraayo 2020 wuxuuna HIT madaama uu soo xareeyay 32 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal waxaana lagu qarash gareeyay 20 Crore aisgoo macaash wacan laga helay filimkan fariintiisa la wada amaanay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here