Home » Box Office » Bollywood-ka sidaan maxaa u diiday: waayo atoorayaashooda hadii ay 60-sano ku dhawaadaan hawada ayay ka baxaan!

Bollywood-ka sidaan maxaa u diiday: waayo atoorayaashooda hadii ay 60-sano ku dhawaadaan hawada ayay ka baxaan!

Fanka Koonfur Hindiya waa inay cashay weyn Bollywood-ka ka bartaan waayo atoorayaashii Bollywood-ka astaanta u ahaa mudo dheer hadda hawada ayay ka baxeen ama awood malahan.

Sunny Deol, Sanjay Dutt, Govinda, Suniel Shetty, Anil Kapoor, Jackie Shroff iyo kuwo kale waxay qaarkood gaareen 60-sano halka qaar kalena ay 60-sano kusii dhaw yihiin waxayna ka siman yihiin in awoodii ay fanka ku lahaayeen meesha ka baxday.

Balse waxaa la yaab ah atoorayaasha Koonfur Hindiya (Telugu, Tamil, Kannada, Malayalam) inay weli soo taagan yihiin awoodna leeyihiin aflaanta gadi karaan doorar hogaamiye ahna ka qaataan.

Atoorayaasha Koonfur Hindiya ee da’dooda 60-sano sare u dhaaftay:

1. Superstar Rajinikanth [67-sano]

2. Megastar Mammootty [66-sano ]

3. Ulaganayagan Kamal Haasan [63-sano]

4. Megastar Chiranjeevi [62-sano]

Atoorayaasha Kale ee 60-sano Gali Rabaan Welina Awooda Leh:

1. King Nagarjuna [58-sano]

2. Universal Star Mohanlal [57-sano]

3. Natasimha Nandamuri Balakrishna [57-sano]

4. Victory Venkatesh [57-sano]

Aqriste ka waran sheekadan in raggan 60-jir weli awood ku leeyihiin halka raggii Bollywood-ka ku tiirsanaan jiray baska ka hareen ayagoo gaarin badankooda da’da atoorayaasha Koonfur Hindiya ee sare ka muuqdaan.

4 Responses to Bollywood-ka sidaan maxaa u diiday: waayo atoorayaashooda hadii ay 60-sano ku dhawaadaan hawada ayay ka baxaan!

  1. djlee

    December 12, 2017 at 6:27 pm

    raggaan iyaga markay lixdan soo gaaran aaba labartaa inta kale oo dhan baakadaha ay kujiraan

  2. azad caraale

    December 12, 2017 at 9:59 pm

    zxp chiranjeevi iyo rajinikanath iya awood badan

  3. rudwandxt

    December 13, 2017 at 10:43 am

    isaga ayaaba ugu awood badan rajinikanth

  4. suldaan

    December 13, 2017 at 2:50 pm

    sxb kuwan filmada ay sameyan loolan ma galaan nin walbo filinkisa ayaa loo tixgeliya ilaa suuqa ka tagaayo film lalama saaro waa taas mida ay suuqà ugu bixi la yihiin.
    halka bollywood aad arkeyso filmo isku maalin la wada saaràyo