Bollywood-ka waxba kama xishoodaan markaana heeskii Govinda & Raveena ku xarakeeyeen Akhiyon Se Goli Maare ayay dib u sameyn rabaan (+Video)

0
2643

Si walbo oo dhaliil xoogan loogu soo jeediyay Bollywood-ka kuwa dhanka muusigada u qaabilsan oo dhawaanahan bur burinayaan ama ku cayaarayaan heesihii hore Classic ahaa dib u sameenayaan haddana isma gartaan markaana waxaa lagu dhawaaqay in heeskii hirgalay Akhiyon Se Goli Maare.

Heeska Akhiyon Se Goli Maare marnaba lama hilmaami karo sidii ay ugu xarakeeyeen Govinda iyo Raveena Tandon oo noqdeen kuwo lagu daysado qaabka ay xarakaadka iyo Dance-ga u sameeyeen balse hadda waxaa la leeyahay waa u dhamaatay heeskii caanka ahayd waana la bur burin rabaa qaabkii iyo quruxdii ay laheyd madaama dib loo sameenayo waxaana lagu soo bandhigaa filimka Pati Patni Aur Woh oo ay hogaamiyaal ka yihiin Kartik Aaryan, Bhumi Pednekar iyo Aananya Pandey.

Heeskii Akhiyon Se Goli Maare waxay ku jirtay filimkii Dulhe Raja ee sanadii 1998 la daawaday ilaa iminkana waa hees caan ah balse markaan waxaa masuuliyada qaadatay gabadha dhanka Dance-ga sameyso Farah Khan oo dib u sameeneyso heeskan muuqaal ahaana Kartik Aaryan, Bhumu Pednekar iyo Aananya Pandey ayaa kasoo wada muuqan doonaan dhawaana hawada ayaa lagu soo fasixi doonaa ayadoo dib loo casriyeeyay.

Filimka Pati Patni Aur Woh waxaa la daawan doonaa 6 Dec 2019 waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimkii Classic ahaa ee isla magacan watay Pati Patni Aur Woh oo ay wada jileen Sanjeev Kumar, Vidya Sinha iyo Ranjeeta.

Balse markaan aan xasuus idin galino fadlan dib u daawo heeska Akhiyon Se Goli Maare ee Govinda iyo Raveena ku xarakeeyeen sidoo kalena laxankeeda qoraal ahaan ka muuqdo oo dib loo casriyeeyay muuqaalka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here