Filimada Bollywoodka iyo Hollywoodka kala ah ee Pagapanti iyo Frozen 2 sidey u kala horeeyaan ayaa maanta tiyaatarada India la saaray inkastoo tiyaatarada uu inta badan heysto filimka Pagalpanti.

Hadana ayadoo sidaas tahay waxaa bilaabasho wanaagsanaa maanta waxbadan filimka Hollywoodka ee Frozen 2 kaasoo saakay subaxii hore ku furmay 15% halka filimka Hollywoodka uu ku furmay 25% ilaa 30% waana bilaabasho heer sare ah.

Filimka Pagalpanti ayaa la filaayay in maanta duhurkii uu sare ukac fiican sameyn doono balse marnaba midaas ma aysan dhicin wuxuuna haatan marayaa 20% asigoo wali aan gaarin xitaa heerka uu ku furmay subaxaan filimka Frozen.

Maalinta bari ayay kala cadaan doontaa labadaan filim lacagaha ay keeni doonaan balse waxaa arin caado noqotay baryahaan in daawadayaasha hindida ay u bataan filimada tayada sare leh ee Hollywoodka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here