Uravshi Rautela iyo John Abraham ayaa dib u sameeyn doonaan heeskii caanka ahaa ee “Tera Bimaar” waxaana lagu soo dari doonaa Filimka soo socda ee Pagalpanti waana hees Sridevi horey u sameeysay.

Heeskan waxay kujirtaa Filimkii Hit-ka weyn noqday ee Chaalbaaz kaaso 1989 la daawaday waxaana wada jileen heeska Sunny Deol iyo Sridevi waana hees Classic ah balse Bollywoodka maba ka xishoodaan miyaa inee heesihii hore dib ugi noqdaan aaway xirfadlayaashii iyo curiyaashii heesaha cusub loogu tallo galay inee sameyaan.

Heeso badan ayaa dib loo sameeyay waxaana habooneed in heeso xul ah oo cusub la sameeyo bedelkii kuwii hore loogu laaban lahaa tani waxay cadeyn u tahay in Bollywoodka waligood gaari doonin heesihii hore ama la heli doonin heeso ka wanaagsan kuwii hore.

Urvashi Rautela oo ka hadleysa dhibka ay ka martay side Sridevi isaga dhigeysay waxay tiri,”dhib weyn ayaan ka maray duubista heeskaan walina waan kudhexjirnaa howsheeda wey adagtahay halyeeydii hore in booskoodo la galo kaaga daran Superstar Sridevi oo kale markaa waa iskadhigaa dhahdo dhib kuuma yaro balse waxaan rajeynaa inee daawadayaasha kaheli doonaan heeskan dib u sameyntiisa.”

Pagalpanti waxaa wada jilayaan Anil Kapoor, John Abraham, Illeana D’Cruz, Arshad Warsi, Urvashi Rautela, Pulkit Samrat iyo kuwa kale oo badan 22 bishaan Nov ayaana la daawan doonaa mashruucan.

Fadlan hoos ka daawo Original-ka heeskan dib loo sameynaayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here