Waxaa subaxan geeriyooday halyeeyga Bollywoodka Rishi Kapoor kaaso kamid ahaa xidigihii usoo halgameen shirkada Bollywoodka meesha ay maanta joogto sidee usoo gaari laheed Risho in kabadan 40 sano ayuu atoore yahay.

Waxuu kusoo caan baxay Filimkii Bobby ee la daawaday sanadkii 1973 sido kale jilaagan waxaa mashruucaas lagu siiyay abaal marinta Filimfare qeybta atooraha ugu wanaagsan halkaas jeer ayuuna ku guuleystay.

Rishi ayaa dhashtay 4 September 1952 waxuuna geeriyooday 30 April 2020 isagoo 67-jir ah waxuuna sababsaday cudurka kansarka oo mudo 2-sano ah hayey sanadkii 2018 ayuu iska helay New York ayuuna daawo u aaday wuuna kasoo fiicnaaday isagoo September 2019 dib dalka India ugu soo noqday.

Balse jilaagan gudaha India tiro laba jeer ah ayaa isbitaal la dhigay maadama xanuun qabanaayey ugu dambeyn saaka ayee nafta kaga baxday isbitaal ku yaalay magaalada Mumbai halkaaso qoyskiisa ay la joogeen.

Amitabh Bachchan oo ahaa qofkii ugu horeeyay Twitter-ka kusheegay geerida Rishi Kapoor waxuu yiri,”wuu tagay Rishi Kapoor wuu dhintay wey ii dhamaatay anigana qalaas” Big B ayaa aad iyo aad oga naxay geerida Rishi naxdin weyn ayeena ku noqotay.

Waxaa la sheegay kahor inta uusan dhiman inuu madadaaliyay dhaqaatiirtii caafimaadkiisa ka shaqeynayeen oo isagoo qoslaayo ayee nafta ka baxday sida la sheegay qoyskiisana qoraal ayee soo saareen shalay ayee ahed markii la xaqiijiyay geerida Irrfan Khan dhinaciisana dhul la dhigay maantana waa Rishi Kapoor Bollywoodka maalmihii musiibada ayee bartanka kaga jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here