Qofna ma hilmaami doonto shactiroole Boman Irani doorkiisii maamule ee Classic ahaa ee uu ka qaatay filimka 3 Idiots kaasi oo All Time Blockbuster noqday sidoo kalena Aamir Khan, Kareena Kapoor Khan, Sharman Joshi iyo R Madhavan hogaamiyaal ka ahaayeen halka Rajkumar Hirani filimkan agaasimay.

Boman Irani wuxuu banaanka soo dhigay doorkiisii hirgalay Dr. Viru Sahastrabuddhe (Virus) inuu la rabay in Irrfan Khan uu sameeyo madaama uu ku kalsoonaa inuu doorkaan hirgalay Irrfan-kii geeriyooday kasoo dhalaali lahaa. Boman wuxuu yiri “Waxaan usoo jeediyay Director Hirani in doorka Dr. Viru Sahastrabuddhe Irrfan Khan sameeyo waayo waxaan ku kalsoonaa in Irrfaan doorkaas siweyn kaga soo bixi lahaa kaalin ahaan inta la iigu amaanay ka baddane lagu amaani lahaa balse mudane Hirani ayaa ku adkeestay inaan aniga sameeyo.”

Waxaa xusid mudan in Boman Irani doorkiisii hirgalay ee uu filimka 3 Idiots ka qaatay lana daawaday sanadii 2009 inuu ku hantay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atoore caawiyaha ugu wanaagsan sidoo kalena bilado badan oo caalami ah qaab jiliinkiisii heerka sare ahaa ku kasbaday.

Sidoo kale Boman Irani wuxuu sheegay in isaga iyo Irrfan Khan saaxiibo dhow ahaayeen sidoo kalena marnaba uusan hilmaami karin inay isla sameeyeen filimkii Yun Hota To Kya Hota kaasi oo sanadii 2006 la daawaday wuxuuna yiri “Irrfan wuxuu ahaa qof igu qaali ah waana ka xumahay geeridii ku timid balse waa hubaal in xasuustiisa baaqi nagu ahaan doonto sidoo kalena indhaheena kama bixi doono madaama uu sameeyay filimo badan oo bandhig ahaan siweyn loogu xasuusan doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here