Cabsi weyn ayaa lasoo daristay filim sameeye Boney Kapoor iyo labadiisa gabdhood Janhvi Kapoor iyo Khushi Kapoor kadib markii qof shaqaale ka ahaa gurigooda laga helay xanuunka Coronavirus kadib markii baaritaan lagu sameeyay sidoo kalena qoyskan haatan waxaa loo sheegay inay gurigooda isku karantiilaan.

Boney Kapoor ayaa gabi ahaanba beeniyay in xanuunka Coronavirus isaga iyo labadiisa gabdhood laga helay wuxuuna yiri “Waa run Charan Sahu oo 23-jir ah sidoo kalena gurigeena shaqaale ka ah in Coronavirus laga helay kadib markii xanuun uu dareemay waxaan ku wargalinay qolyaha caafimaadkii baaritaankii ay ku sameeyay ayaa xanuunkan looga helay sidoo kalena aniga, labadeyda gabdhood iyo qof walbo oo guriga nagula nool baaritaan ayaa lagu sameeyay waana nagala waayay astaamaha xanuunkan balse waxaa nagula wargaliyay inaan guriga isku karantiilno qof walbana uu dadaalo haatana midaas ayaan sameenaan.”

Boney Kapoor wuxuu u mahad celiyay dowlada Hindiya gaar ahaan qolyaha caafimaadka qaabilsan sida deg deg ah ee gurigiisa kusoo gaareen sidoo kalena wuxuu sheegay in Charan Sahu oo shaqaalaha gurigiisa ka mid ahaa haatan soo kabanaayo xaalad karantiil ahna ku jiro marka uu xanuunkan kasoo kabtana shaqadiisa dib ugu soo laaban doono.

Boney Kapoor labadiisa gabdhoow Janhvi iyo Khushi baraha bulshada ayay taageerayaashooda kula fal galaan waxayna sheegeen inay caafimaad qabaan wax astaan ah oo Coronavirus ku aadan inaan laga helin waxayna sheegeen labadan gabdhood tan iyo markii Hindiya xaalad bandow ah gashay inaysan marnaba guriga ka bixin oo ay shuruucda iyo amarada dowlada Hindiya u hogaan sameen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here