Waxaan horey idin kula wadaagnay filim soo saare Boney Kapoor gurigiisa shaqaale ka tirsanaa in xanuunka Coronavirus laga helay kadibna qoyskiisa oo idil karantiil labo cisho ah la galiyay waxaana Boney karantiilkan ku wehliyeen labadhiisa gabdhood Janhvi Kapoor oo Bollywood-ka ka tirsan iyo Khushi Kapoor oo aan weli fanka Hindiya soo galin waxaana labadan gabadhood u dhashay atirishadii Sridevi ee geeriyootay horaantii 2018.

Boney iyo labadiisa gabdhoow 14-cisho ayay karantiil ku jireen oo gurigooda isku karantiileen kadibna waxaa lagu sameeyay baaritaan labaad waana laga waayay xanuunka Coronavirus-ka sidoo kalena shaqaalihii gurigiisa ka tirsanaa ee xanuunkan laga helay isagana wuu soo bogsaday haatana baaritaan lagu sameeyay waa laga waayay xanuunkan.

Boney Kapoor wuxuu yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aniga iyo labadeyda gabdhood karantiilka ka baxnay baaritaan cusub nagula sameeyay nagala waayay COVID19 sidoo kalena sedex shaqaale oo gurigeyga ka tirsanaa xanuunkan ku dhacay iyagana wey soo kabteen haatana xanuunka laga waayay, waxaan u hangal taagayaa inay shaqaalaheena gurigeena kusoo laabtaan anaga waan soo dhaweyn doonaa.”

Dhinaca shaqada Boney Kapoor wuxuu ku mashquulsanaa inta aan bandowga la galin dhameestirka filimka Vakeel Saab ee Pawan Kalyan hogaamiye ka yahay madaama mashruucan uu soo saare ka yahay waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay isla filimkii Pink ee Bollywood-ka ahaa 2016 Boney maal galiyay oo Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu hogaamiyaal ka ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here