Arjun Kapoor waxa uu ka mid ah jilayaasha dhalinyarada kuwaaso mustaqbal dheer ku leh fanka Bollywoodka isagoona kasoo jeeda qoys ku caan baxay samaynta aflaamta maadaama uu aabo u yahay filim-soo saaraha weyn ee Boney Kapoor halka uu adeer ugu aadan yahay halyeeyga Bollywoodka Anil Kapoor

laakiin Arjun inuu maanta aktar weyn noqdo waxaa la leeyahay waa mid uu sabab u yahay jilaaga Salman Khan waxaana arrintan xaqiijiay aabaha dhalay Arjun Kapoor iyadoo Boney oo shaaca ka qaaday marka hore wiilkiisa intuusan noqon jilaa inuu doonayay inuu ka dhigo Director maadaama uu leeyahay tayadaas Arjun ayaa

laakiin waxaa arrintaas kasoo horjeesaday jilaaga Salman Khan iyadoo inta dhawr jeer Salmajan Arjun kula taliyay inuu isku dayo jilida taaso ugu dambayn Arjun ka dhigtay inuu noqdo jilaa si dhakshi leh fanka saamayn ugu yeelado isagoona sanadkii 2010 kusoo caan baxay filimka  Gunday kaaso la daawaday 2014

akhristayaal aan idin xasuusino Arjun Kapoor waxa uu Director caawiye ka ahaa aflaamta Salman Khan ee kala ah No Entry (2004) iyo Wanted (2009)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here