Boqorada Bollywoodka Kajol Devgan Oo ka Hadashay Filmkeda Eela Ee Seygeeda Ajay Qarash Gareeyaha Ka Yahay!

Kajol Devgan wey soo laabatay kadib filmkeda Dilwale waxay dooneysa markaana inee shashada wacdaro ka dhigto.

XIdigtaan qaab jiliinka wanaagsan ayaa duubis kuwada filmkeda Eela ee uu qarash gareyaha ka yahay seygeeda Ajay Devgan, Eela Kajol waxay ku jileysa hooyo garoob ah sido kalena nolosheda maareynesa korsaneysana cunugeda ee ay dhashay, waxaana qeybaha dambe filmka ka hadlaya hooyo iyo cunugeda habka ay iskula dhaqmayaan.

Hadaba Kajol oo ka hadleysa Eela waxay tiri,” Waan ka helay sheekada filmkaan sido kalena qaabka la isugu duba riday sheekada waan la dahcay waxa ugu weyn ee an ka helay ayaa ah doorkeyga filmkaan (Hooyo garoob ah) waan la dhacay runtiii.”

Eela waa mashruuc duubis lagu wado waxaan Director ka ha Pradeep Sarkar halka uu qarash gareye ka yahay Ajay Devgan walina shaaca lagama qaadin xiliga la daawan doono inkasto ay u badantahay in la daawado sanadkaan 2018.