Mesut Ozil gudaha garoonka dhawaanahan bandhig heer sare ah kama sameeneyn balse waa laacibka ugu mushaarka badan kooxda Arsenal kaasi oo todobaad walbo ka qaato £350,000 sidoo kalena dhawaan wuxuu diiday inuu qayb ka noqdo cayaartooyda iyo shaqaalaha kooxda oo laga dalbaday 12.5% mushaaraadkooda si kooxda Arsenal culeeska dhaqaalo Coronavirus ka dhaxleen isaga qafiifiyaan.

Arsenal xagaagii 2013 ayay Ozil oo 31-jir ah £42m kaga soo qaateen naadiga Real Madrid wuxuuna garoonka Emirates joogaa xidigan mudo 7-sano ah taasi oo sababtay London inuu deegaan ka dhigto asigoo ka iibsaday guri weyn oo qasri ah qiimo ahaana ku fadhiyo 10-milyan oo pound.

Gurigan weyn Ozil wuxuu iibsaday sanadii 2016 waxaana loo qalabeeyay si casri ah sidoo kalena alaabo ama agab kala duwan oo dhaqanka Turkiga ku saleesan ayaa gurigan yaalo oo mararka qaar dad kala duwan u dalxiis tagaan ama booqdaan qaybaha uu ka kooban yahay.

Ozil gurigiisa Parking uu leeyahay waxaa yaaliin gaawiro nooca raaxada ah oo kala duwan kuwaas oo qiimo ahaan ku fadhiyaan 800,000 oo pound waxaana ugu qaalisan gaariga nooca S65 AMG kaasi oo qiimo ahaan ku fadhiyo £183,000.

Shabakada The Sun ayaa banaanka soo dhigtay nolosha boqortooyo ee Ozil ku heesto magaalada London balse lama ogo inuu London xidigan sii joogi doono madaama qandaraaskiisa Arsenal ku eg yahay xagaaga dambe ama June 2021 waxayna u badan tahay Arsenal inuu isaga tagi doono madaama xiriir wanaagsan maamulka uusan la laheyn dhawaana uu diiday mushaar dhimis inuu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here