BOX OFFICE INDIA oo soo daabacday filimkii ugu horeeyay ee Super Blockbuster noqday.

0
1229

Shabakada Box Office India ayaa soo daabacday filimkii ugu horeeyay ee ay siiyaan darajada Super Blockbuster kaasoo ah darajo cusub una dhaxey Blockbuster iyo All Time Blockbuster.

Super Blockbuster ayaa ah filimka dhaafo darajada Blockbuster balse ku fashilmo inuu gaaro darajada All Time Blockbuster oo kala bar iyo wixii kabadan gobolada India rikooro cusub ka sameyn waayo

Filimka Kabir Singh ee uu Shahid Kapoor kaga yaabsaday caalamka sanadkii hore ayay darajadaas siiyeen karib markii uu Box Officeka wacdaro ka dhigay lagana helay faa’iido 135 crore nadiif ah waana lacagaha ay kooxda cajaladaha saami ahaan uga heleen filimkaan taasoo ku tusineyso faa’iidada weyn ee filimkaan laga helay waana in kabadan 20 Million Dolar.

Tani waa guul usoo hoyatay Shahid Kapoor iyo kooxda filimka Kabir Singh maadaama filimkooda uu noqday filimkii ugu horeeyay ee darajadaan lasiiyo.

Waxaase xusid mudan in filimo badan oo horay usoo baxeen darajadaan qaadan doonaan kuwaasoo taariikh ahaan ka horeeyay Kabir Singh balse Kabir Singh ayaa laga bilaabay maadaama uu sanadkii hore 2019ka soo baxay sidaasna filimkii ugu horeeyay ee Super Blockbuster ku noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here