Box Office Update: filimada Padmaavat iyo Hate Story 4 ganacsigooda halka uu maraayo

Filimka Hate Story 4 ayaa hoos u dhac weyn sameeyay todobaadkiisa labaad waxaana muuqato inuu keeni doono 2 Crore ilaa 2.25 Crore todobaadkiisa labaad wuxuuna hoos u dhacay 80% ganacsigiisii todobaadka kowaad.

Sida muuqato filimka Hate Story 4 cimri ahaantiisa wuxuu ku istaagi doonaa 20 Crore ganacsi ka hooseeyo waana ganacsi niyad jab ah asigoo noqon doono mashruuc guul dareestay oo Flop ah.

Fadlan hoos kaga bogo ganacsiga uu sameeyay filimka Hate Story 4 ilaa haatan ee shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 16.78 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 1.50 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 18.28 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Padmaavat ayaa weli ganacsi heer sare ah sameenayo wuxuuna todobaadkiisa 8-aad keeni doonaa 1.25 Crore asigoo noqon doono Baahubali 2 kadib filimka labaad ee 1 Crore ka badan keeno todobaadkiisa 8-aad tobankan sano ee aan ku guda jirno (2010-19).

Fadlan hoos kaga bogo filimka Padmaavat ganacsiga uu sameeyay ilaa haatan ee shabakada BOI soo daabacday waana filim Blockbuster weyn ah:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore

Todobaadka labaad – 66.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 30.09 Crore

Todobaadka afaraad – 13.44 Crore

Todobaadka shanaad – 5.91 Crore

Todobaadka lixaad – 3.96 Crore

Todobaadka todobaad – 2.32 Crore

Todobaadka sideedaad – 1 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 283.18 Crore (Trade Figure)