Home » Avengers - Infinity War » Boxoffice Update: filimada 102 Not Out iyo Avengers – Infinity War iyo ganacsiga ay sameeyeen

Boxoffice Update: filimada 102 Not Out iyo Avengers – Infinity War iyo ganacsiga ay sameeyeen

Amitabh Bachchan iyo Rishi Kapoor filimkooda 102 Not Out ayaa weli ganacsi wacan sameenayo wuxuuna keenay 3.75 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Filimka 102 Not Out mudo 17-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 45 Crore (Trade Figure) waxaana xusid mudan in ganacsigiisa cimri ahaan 50 Crore gaari doono ama wax yar ka gaabin doono.

Filimka 102 Not Out ganacsiga ugu wacan Mumbai iyo hareeraheeda ayuu ka sameeyay wuxuuna ka keenay 20 Crore asigoo Mumbai kaga lacag badnaanay filimka Hichki ee Rani sameesay kaasi oo 16 Crore Mumbai iyo hareeraheeda ka keenay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka 102 Not Out ganacsiga uu sameeyay mudo 17-maalmood soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 27.63 Crore

Todobaadka labaad – 13.92 Crore

Todobaadka sedexaad – 3.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 45.30 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War ayaa gaabis sameeyay todobaadkiisa afaraad sedexda maalmood ee ugu horeyso wuxuu keenay 3.25 Crore (Trade Figure).

Filimka Avengers – Infinity War haatan wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 222.50 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in ganacsigiisa cimri ahaan ku istaagi doono 226 Crore ilaa 227 Crore inta u dhaxeyso.

Fadlan hoos kaga bogo Avengers – Infinity War ganacsiga uu gudaha Hindiya ilaa haatan ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 15.88 Crore

Todobaadka afaraad – 3.25 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 222.58 Crore (Trade Figure)