Boxoffice Update: filimka Avengers – Infinity War oo 215 Crore kusoo xareeyay mudo 18-maalmood ah

Filimka weyn ee Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War ayaa soo xareeyay 215 Crore (Trade Figure) mudo 18-maalmood ah oo uu gudaha Hindiya saaran yahay sida shabakada BOI soo daabacday.

Sida muuqato Avengers – Infinity War wuxuu keeni doonaa 15 Crore todobaadkiisa sedexaad marka uu dhameesto oo hadda sedex maalmood kaga harsan.

Filimka Avengers – Infinity War wuxuu u muuqdaa in cimri ahaantiisa ku istaagi doono 225 Crore madaama uu gaabis weyn sameenayo todobaadkiisa sedexaad waxaana magaalooyinka waa weyn ganacsi ahaan ku qabsaday filimka Raazi.

Fadlan hoos kaga bogo Avengers – Infinity War iyo mudo 18-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.93 Crore

Jimco sedexaad – 2.25 Crore

Sabti sedexaad – 3.50 Crore

Axad sedexaad – 4.50 Crore

Isniin sedexaad – 1.50 Crore

Todobaadka sedexaad – 11.75 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 214.77 Crore (Trade Figure)