Home » Box Office » Boxoffice Update: Filimka Manmarziyan oo si hoose ku furmay subaxdii hore xiliga Hindiya

Boxoffice Update: Filimka Manmarziyan oo si hoose ku furmay subaxdii hore xiliga Hindiya

Abhishek Bachchan, Vicky Kaushal iyo Tapsee Pannu filimkooda Manmarziyan ayaa si hoose ku furmay subaxdii hore xiliga Hindiya oo ah 10% ilaa 15% inkastoo filimkan muusig wacan leeyahay sidoo kalena jaceyl sedex geesood yahay haddana si wacan kuma furmin waana bilaaw aan wanaagsaneyn.

Sababta filimkan fagta hore daawadayaasha u aadi waayeen ayaa ah in Director Anurag Kashyap inta badan sameeyo aflaan mugdi ah oo dagaal iyo rabsho badan waxaana sanadkan ka bur buray filimka Mukkabaaz iyo filimka Gangs Of Wasseypur oo horey kaga dhacay inta badan dadka ma jeclo Anurag Kashyap aflaantiisa inay daawadaan.

Manmarziyan xayeysiintii balaarneed loo sameeyay dadka waa lagu kasban waayay fagta hore sida darteed sabti iyo axad waa inuu sare u kac xoogan sameeyaa kadibna laga bilaabo Isniinta uu ganacsi ahaan si wacan isku celiyo waana hawl adag balse la wada dhowri doono sida ay wax noqon doonaan.

Dhinaca kale labada filim ee masraxa iyagana ku cusub Love Sonia iyo Mitron waxay ku furmeen si bur bur ka muuqato rajo badana lagama qabo inay sameeyaan ganacsi muuqdo inta ka harsan maanta gelinka dambe iyo caawo fiidkii.