Home » . » Boxoffice Update: Mahesh Babu Filimkiisa Bharat Ana Nenu Oo Ganacsi Waali Sameyn Doona Maalintiisa Koowaad!

Boxoffice Update: Mahesh Babu Filimkiisa Bharat Ana Nenu Oo Ganacsi Waali Sameyn Doona Maalintiisa Koowaad!

Super Star Mahesh Babu Filimkiisa Bharat Ana Nenu ayaa maanta gil gilaaya gudaha Hindiya gaar ahaan koonfurta waxaana  si dhaqsi lagu doodaaya in filimkaan iskooro badan uu jabin doono.

Haddaba xogta aan ka heleyno shabakadaha koonfur Hindiya waxaa la qayaasaaya in Mahesh Babu filimkiisa maalintiisa koowaad si waali ku furmi doona ugu yaraan uu keeni doona 50 crore gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Labo isbuuc ka hor sidaan oo kale waxaa Telugu u gil gilay Ram Charan filimkiisa Rangasthalam oo gudaha hindiya iyo daafaha caalamka kasoo xareeyay 43 crore.

Iskoorkaas Ram Charan uu dhigay labo isbuuc ka hor waxaa maanta jabin doona Mahesh babu filimkiisa Bharat Ana Nenu oo l sheegay in ugu yaraan 50 crore soo xareyn doono wuxuu la mid noqan doona filimada sanadkaan ugu bilaabashada wanaagsan Telugu.