Jilaaga caanka ee Hollywoodka Brad Pitt ayaa markale maxkamada looga yeeray kadib markii maxkamada ay diiday in magaciisa laga saaro dacwada loo heysto hey’ada tabarucaada ee uu leeyahay taasoo lagu magacaabo Mike it Right kuna eedeysan iney dhistay guryo tayo ahaan liito sababna u noqday in duufaanadii dhawaan mareykanka ka dhacay ay qaarkood ku burburiyaan.

Bishii November ee sanadkii hore ayaa Brad Pitt maxkamada looga yeeray kadib markii ay soo eedeeyeen labo qof oo guryahooda duufaanada waxyeelo soo gaarsiiyeen waxayna Brad Pitt ku eedeeyeen inuu siiyay kuna siray guryo tayo ahaan aad u liito isla markaasna duufaanta si fudud ku burburisay.

Brad Pitt ayaa sanadkii 2007dii balan qaaday inuu dhisi doono 150 guri kuwaaasoo aysan duufaanta kari Karin isla markaasna dadka duufaanada aafeeyeen loogu deeqi doono wuxuuna sanadkii 2008dii dhisay 100 guri hase yeeshee sanadkii hore 2018dii ayaa maxkamada looga yeeray kadib markii guryaha hey’adiisa dhistay tayo xumo lagu soo eedeeyay.

Prad Pitt ayaa dalbaday in liiska magaciisa laga saaro maadaama uusan asiga masuul ka aheyn cilada timid loona qabsan doono shakhsiyaadkii dhisay balse maxkamada ayaa arinkaas ku gacan seyrtay waxaana haatan lagu wadaa inuu maxkamada dib ugu laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here