Hollywood Star Brad Pitt ayaa markii ugu horeesay ka hadlay fursadii qaaliga ahayd 21-sano ka hor uu ku lumiyay sameynta filimka hirgalay The Matrix kadibna mashruucan uu noqday taxane hirgalay oo uu magac weyn ku yeeshay Keanu Reeves.

Brad Pitt wuxuu yiri “Aniga ma ahayn qofkii ugu horeeyay ee diiday The Matrix waxaa horteey iska diideen Will Smith, Leonardo DiCaprio, Johnny Depp, Nicolas Cage iyo Val Kilmer laakiin haatan wax la qarin karo ma ahan in mashruuc caan ah i seegay.”

Xidigan laga dambeeyo oo hadalka sii wato wuxu yiri “Doorka Neo ee ah kan ugu muhiimsan The Matrix ayaa la ii soo bandhigay inaan qaato balse markii dambe ma suura galin waa macquul kooxda iska leh inay si kale ii fahmeen ama si kale u qaateen jawaabteyda ee marwalbo waxaan aaminsanaa The Matrix inuu yahay wax cusub oo Hollywood-ka lagu soo kordhiyay waana ku faraxsanahay inuu taxanahan ku caan baxay Keanu Reeves.”

Waxaa xusid mudan sanadkii hore in soo saaraha taxanaha The Matrix Lorenzo di Bonaventura uu sheegay in doorka Leo markii atoorayaa badan diideen ku fikireen inay door atirisho ka dhigaan kadibna waxay damceen inay atirishada caanka ah Sandra Bullock hogaamiye kaga dhigaan filimkan laakiin ma aysan xiiseyneyn doorkan mana aysan usoo jawaabin kooxda filimkan ugu dambeyntiina Keenu Reeves ayaa doorkan Classic ah calfaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here