Brad pitt too markaan usoo dhigtay gabdhihii carbeed asigoona lagu xamanaayo inuu xiriir la leeyahay quruxleyda carbeed ee Alia Showkat.

0
920

Brad Pitt waa mid kamid ah jilayaasha ugu waaweyn looguna jecelyahay Hollywoodka waana seygii hore atariishada ugu magaca weyn Hollywoodka ee Angelina Jolia.

Brad iyo Angelina oo xili hore kala hareen ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in Brad Pitt uu xiriir la leeyahay atariishada reer Ciraaq gabadha lagu magacaabo Alia Showkat.

Alia Showkat oo 30 jir ah ayaa markii ugu horeysay iyada iyo Brad Pitt la isku arkay xili ay ka qeyb galayeen ruwaayad ka dhacday magaalada Los Angles hadana mudo kadib ayaa lawada arkay iyagoo si wadajir ah misna isla socdo xaflad uga qeyb galaayo.

Markale ayaa hadana isbuucaan gudihiisa la arkay iyagoo bandhig faneed ka qeyb qaadanayo taasoona abuurtay hadal heyn in labadaan jilaa uu jiro xiriir Romanc ka dhaxeeyo ayagoona saxaafada dhexdeeda hadal heyn kadhex abuurtay.

Majirto ilaa iyo hada war si rasmi ah u xaqiijin karo in xiriir ka dhaxeeyo jilayaashaan balse isku soo dhawaanshaha ka muuqdo labadooda iyo in isbuucyadii ugu dambeeyay si wadajir xafladaha uga qeyb galayeen ayaa waxay abuurtay hadal heynta la xiriirta in xiriir Romanc kawada dhaxeeyo misna aad isugu soo dhawaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here