Bollywood Khiladi Kumar ayaa dhaawac lugta ah soo gaaray isagoo duubaayo Filimka dagaalka ah ee Sooryavanshi xili uu magaalada Mumbai ku duubaayey halmar ayaana lawada naxay balse xidigaan ayaa adkeysi muujiyay.

Kumar dhaawac fudud ayaa soo gaaray oo dhanka lugta bidix ah dhinaca xoogdaha isla markii gar gaarka deg dega ah ayaa loo fidiyay lugtiina waa laga daweeyay faashad iyo wixii gar gaar ah maadama muruqa wax ka gaaray waxaana la go’aansaday in duubista la joojiyo marba hadii Akki dhaawacmay.

Hase ahaate xidigaan ayaa ku adkestay in howsha lasii wado inta faashado cad cad isku rakibay ayuu yiri wax la baxaayo malahan howsha inoo wada halmar ayeena dhaheen waxaad tahay Jackie Chan India maadama adkeysi badan uu muujiyay.

Sooryavanshi waa Filim uu kujilaayo Askari dagaalna ah waxaana atiriisho ka ah Katrina Kaif oo 9 sano kadib shaashada wadaagayan Rohit Shetty ayaana Director ka ah waxaana la daawan doonaa 27 Maarso 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here